Maxaa kala socotaa xasiloonida xumida siyaasadeed Farmaajo iyo Khayre?

Dhagraha Dhiifoon & Dhibanaha Dhoohan!

Maxaa la gudboon Khayre?
Maxaa laga rabaa shacabka?

Khayre wuxuu mudanyahay xil kasta ee dalku leeyahay walow uuba haatan yahay RW awoodle.

Khayre wuxuu mudanyahay inuu dejiyo siyaasad dalka dajisa kana duwan tii aan niqiin ee ahayd inuu shaqsigii meel la geeyo oo maamuus helaba kan kasareeyo isku taago.

Khayre wuxuu mudanyahay sida loogu hanwaynaa inuu hawlihiisa u hogaamiyo asaga oo ka fogaanaya dhaawac Soo gaara quluubta shacabka oo aad moodo inay marayaan quus.

Khayre wuxuu mudanyahay inuu sharfo madaxwaynaha sharfay ee ma mudna inuu cagta madaxa ka saaro shaqsiyaadka aaminsan hogaaminta madaxwaynaha oo raba inay ka gudbiyaan shacabka isdiidkii iyo kala qoqobkii soo daashaday mudo sodon sano ku dhawayd.

Tusaale; Waxaan soo aragnay Laba Shariif iyo Cabdiweli Gaas oo dalka awoodiisa hantay kana maarmay xubnihii parliamentarian ka ahaa oo hadana sadex jaho ukala socday oo nin waliba rabay inuu dalka u sara-maro. Taasi waxay keentay in dadkii iska nacaan dawladnimo Waana sababta Al-Shabaab awooda u leedahay oo dadka ugu dhex noolyihiin.

Tusaale kale; Waxaan soo aragnay Xassan Sheekh oo sadex RW isku badalay oo ugu danbayn asagii iyo laba kamida RW yaashiisii tartan u wada galeen qabashada xilka dalka. Waa dhacda kale oo dadka nacsiisay taageerida iyo isku halaynta siyaasiyiinta Somalida.

Khayre wuxuu mudnaa inuu la shaqeeyo madaxwaynaha si dhow uuna muujiyo in Somali leedahay madax wada shaqayn karta.

Khayre wuxuu mudnaa waxa uu doonayo inuu usoo bandhigo madaxwaynaha asagoon jilaafooyin aan isaga iyo siyaasada dalkaba.

Shacabka (Dhoohanaha Dhiban); Waxaa la gudboon inay fahmaan dhaliisha loo jeedinayo madaxda inay tahay toosin.

Shacabka Waxaa la gudboon inay fahmaan qoraalada dhaliisha siyaasadeed xambaarsan ee aysan ku cabirin afkaartooda xamaasad.

Shacabka Waxaa la gudboon inay fahmaan siyaasadu inaysan ahayn wax sahal ah hadii la khaldo Waana sababta keentay sodon sanadood inaan kala taagnaano.

Shacabka waxaa la gudboon inay ku khasbaan rabitaankooda Dawlada ayna u sheegaan inaysan aqbalaynin madax ayaga tooda eegata eenan dal iyo dad toona dan ka lahayn.

Maqaalkii 2Aad wuu soo socdaa laakiin Fariintaan ayaan sii hormarsadey.

Guuleysta :Aan Maalno Hasheena Maandeeq!

Qalinkii Ali Yaasin