Maamulka deegaanka Lafoole oo looga yeeray xarunta CID-da iyo sababta

Warar lagu kalsoonaan karo oo heshay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maamulka deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose looga yeeray Xarunta Hay’adda Dembi-baarista ee CID-da.

Sababta looga yeeray maamulka deegaanka Lafoole Xarunta CID-da ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay si Su’aallo looga weeydiiyo dadkii Maanta lagu laayay halkaasi iyo cidii geysay goobta uu falka ka dhacay.