Kooxo Hubaysan oo Bam Gacmeed ku weerary Caawa Fariisin ciidanka Booliska ku leeyihiin Boondheere.

Muqdisho:-Caawa ayay Koox hubeysan waxay Bambo gacmeed ku weerareen fariisin ay Ciidamada Booliska Soomaaliya ku leeyihiin degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Weerarka Bam gacmeedka ayaa wuxuu ka dhacay Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa la xaqiijiyay in hal qof oo darawal mooto bajaajle ah uu ku dhintay weerarkaasi, halka labo qof kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.

Ciidamada Dowladda ayaa caawa waxay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha ee degmada Boordheere ka kooban tahay.

Dhanka kale Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya iyo kan Degmada Boondheere ee G/Banadir.