HORDHACA: Kulanka Gaadiidka Vs Elman

Kooxaha Gaadiidka iyo Elman ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir Stadium ciyaar qeyb ka ah horyaalka Soomaali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan, waana kulankii 13-aad ee laga ciyaarayo horyaalka fasal ciyaareedkan.

Naadiga Gaadiidka kulankii ugu dambeyay waxey bar baro 0-0 la dhaafi weysay kooxda Madbacada Qaranka, kulankan ciyaareed dhacay 15-02-19.

Kooxda lagu naaneyso Jaalayasha ee Elman ciyaartii ugu dambeysay waxey 3-1 ugu soo adkaatay naadiga Heegan, xili ay goolasha ka kala heshay kooxda Elman xidigeeda Anwar Shankunda, kaas oo gaaray shaqada naadiga Heegan 3- jeer.

Gaadiidka waxey fadhisa kaalinta 7-aad ee horyaalka halka ay Elman fadhiso booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka.

Labadii kulan ugu dambeyay ay isku arkan horyaalka labadan kooxod waxaa mid kamid ah badisay naadiga Elman, waxeyna ku adkaatay 3-0 halka kulanka kale ay ku kala baxeyn bar baro 2-2, taas oo ka dhigan iney kooxda Elman ay ka fir fircoontahay kooxda Gaadiidka marka aan ka cabir qaadano labadii kulan ugu dambeyay.

Elman waxaa ka hor imaan doona xidigaheeda kala Shakur Ala kaas oo iminka qeyb ka ah kooxda Gaadiidka iyo Direy oo isagana ka tirsan naadiga Otobaarka.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Elman Vs Gaadiidka Fc

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:30