Xildhibaan Boqore oo maanta lagu aasayo Muqdisho.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa saakay waxaa lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa aaskiisa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dalka sida, Wasiiro xildhibaano iyo dad kale oo ka mid ah qeybaha bulshada .

Xildhibaan Boqore ayaa Shalay gelinkii danbe waxaa lagu dilay dagmada karaan ee Gobolka Banaadir

Maamulka dagmada Kaaraan ayaa la sheegay in ay gacanta ku hayaan dadkii ka danbeeyay dilka xildhibaanka.

Xildhibaan Cilmi ayaa waxaa uu mudo badan ku soo jiray siyaasada dalka, isagoona mar noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaankii KMG ahaa ee xiligii 2004-kii.