Munaasabada maalinta Afka Hooyo oo lagu qabtay Örebro Sweden

Munaasabad heer sare loo soo agaasimay ee lagu xusaayay maalinta Afka Hooyo ayaa ka dhacday Magaaladan Orebro ee bartamaha Boqortoyada Sweden.

Munasabadaaso hal ku dhageedu ahaa U HIILI AFKAAGA HOOYO ayaa waxaa ka soo qeyb galay qorayaal ka kala yimid dibadda iyo gudaha Swedeoo oo ku soo bandhigay buugag kala duwan..

Waxaa xusid mudan fanaanka weyn Bashiir Cali Xuseen-Hanuuniye oo halkaasi ku soo bandhigay buugisa BIDHAAN iyo qaar heesihiisi ka mid ah kuwaaso aad loogu riyaaqay.
Waxaa kaloo qorayaasha buugagta soo bandhigtay ka mid ahaa Dr. Maxamad Xaashi oo soo bandhigay labdiisa buug oo kala ahaa BARO CUDURKAAGA iyo kan EREY BIXINTA CAAFIMADKA.
Qoraa Sare Dr,Xuseen M.Cabdulle-Wadaad oo soo bandhigay buugisa GODOB IYO GALAD iyo buug uu qoray Cali Jimcaale Axmad GASO GANUUN IYO GASIIN.
Munaasabadas waxa isku soo dubariday oo meel mariyay GEMENSAM Förening.
Waxaa kaloo Qaamus dijital ah soo bandhigay Cabdulqadir Jamaal iyo Siciid Nuur oo la yirahdo Leksikon 4 U oo isku tarjamaayo in ka badan toban luqadood uu fka Soomaliga ku jiro.
Waxaa xusid mudan qorayaasha iyo aqoon yahanka Magaaladan Orebro ee qoraa Baxnaa,qoraa Mahdi Warsame, qoraa Cabdifatax Baneimon, Barbe iyo kuwo kale badan ay si maamus leh u soo dhaweyeen martida.
Waxaa kaloo munaasabada ka soo qeyb galay Siyaasi Yusuf Cabdo ayado uu marti sharaf ku ahaa Cabdulahi Hassan Dhaqaale oo u sharaxan xubin nimada barlamaanka Yurub,iyo hey’ada SMAKAAB oo soo bandhigtay waxa ay hey’ada qabato iyo is barasho
 Gaba gabadi koox Bolivian ah oo Magaaladan deggen ayaa soo bandhigay heeso ka tarjamayo dhaqanka dalkooda.