Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Masar.

Maanta ah ayaa lagu wadaa in Magalada Sharma El-Sheikh ee dalka Masar uu ka furmo shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo ah kii ugu horeeyay oo ka dhaca dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirka, waxaana shirkaasi ka qeyb gali doono ku dhawaad 22 dal oo ka socda Wadamada Carabta iyo 28 ka mid ah Midowga Yurub.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in shirkaasi looga hadli doono xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub.

Sidoo kale Waxaa uu shaaca ka qaaday in shirka diirada lagu saari doono xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka iyo Amniga, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.