Ciidamada Mareykanka oo war ka soo saaray duqeymo ka dhacay deegaano ka mid ah Sh/Hoose.

Muqdisho:-Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee la yiraahdo Africom ayaa waxay ka hadleen afar duqeymo oo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goob ay shabaab lacagta ku qaadayeen iyo saldhigyo ay leeyihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa waxay ka dhaceen Deegaanada kala ah: Janaale, Kunyo barow,Awdheegle iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta aysan wax ku noqon dadka shacab ah.

Dhanka kale Ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan degmooyinka ay maamulaan Al-Shabaab.