Arsenal Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Southampton, Soona gashay kaalinta 4-aad.

Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Southampton oo marti ugu ahayd gegida Emirates Stadium iyaga oo ku adkaaday natiijo 2-0 ah.

Guushan ayaa ahayd mid ay Gunners u horseedeen xiddigaha kala ah Henrikh Mkhitaryan iyo Lacazette waxaana ay sidaas ugu laabteen kaalinta afraad ee liiska kala sarreynta horyaalka.

Arsenal ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana ay xilli horeba muujisay sababta garoonkeeda loo joogo, Mkhitaryan oo booska kubad sameeyaha kusoo bilawday ciyaartan ayaa kubad uu kasoo shaqeeyay goolka u hordhigay Lacazette kaas oo si sahlan ku dhammaystiray.

Xhaka ayaa daqiiqado kaddib goolka furitaanka laad xoogan ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa balse kubadda oo sida gantaalka u socotay ayaa waxyar u martay goolka Saints.

Goolka labaad ee Gunners ayaa yimid daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta, Henrikh Mkhitaryan ayaa dhammaystiray kubad baas ah oo goolka la soo hor dhigay waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-0.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay laba gool oo jawaab la’aan ah oo ay Arsenal hoggaanka ku haysay iyagoo waliba sidoo kale lahaa maamulka ciyaarta.

Ugu dambayn kulanka ayaa kusoo dhammaaday 2-0 ay guushu ku raacday kooxda Arsenal waxaana ay ku adkaadeen goolal ay dhashadeen horraantii kulanka.