Xubno Al-shabaab ah oo ku geeriyooday qarax ka dhashay gaari ay saarnaayeen

Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee gobolka Gedo, gaar kuwa ku sugan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay Qarax ku dhinteen ilaa 10 dagaalame oo Al-shabaab ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Xubno katirsan Al-shabaab oo saarnaa gaari ay Qaraxyo ku soo rareyn uu kula qarxay degaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.

Ma jirto ilo dowladda ka madax banaan oo warkaan xaqiiijisay, Al-shabaab weli kama hadli arintaan la sheegay in ku qabsatay gobolka Gedo.