Saxaafadda Kenya “dowladda Kenya waa inay sugtaa go’aanka kama dambeysta ah ee dacwadda Badda Soomaaliya ee ICJ”

Saxaafadda waddanka Kenya ayaa ku baaqday in dowladda Kenya ay xoogaa yareyso hadallada ad adag ee ay adeegsanayso ee ku saabsan kiiska dacwadda ka dhexeysa labada dal ee badda ay Soomaaliya leedahay oo Kenyaatigu kusoo xad gudbeen.
Wargeyska ‘The Star’ ee ka soo baxa Kenya ayaa saakay qoray in dowladda Kenya ay xoogaa yareyso lahjadda ay adeegsanayso, isla markaana sugto go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda cadaaladda ICJ ee Hague, ee dalka Holland.

Kenya ayaa dhowaan dib usoo ceshatay safiirkeedii Soomaaliya Lucas Tumbo halka ay ceyrisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi Mudane Maxamuud Tarsan.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in ay taako dhulkooda ah uga tegi doonin waddan kale, isla markaana ugu baaqday Soomaaliya inay raalli gelin bixiso.

Kenya waxay ku andacoonaysaa in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku jira baddeeda hase yeeshee Soomaaliyana waxay dacwad u gudbisay maxkamadda ICJ waxayna sheegtay in dhulkeenna aanay cidina xoog ku qaadan karin.