Dood waxaa ka wanaagsan diyaargarow Soomaaliyeey!

Kenya waxaa ay dooneysaa dhul boob iyo iney badda qaniga ah ee soomaaliya si xoog ah ku qaadato. Arrinkuna wuu ka sii adkaan doontaa halka uu maanta marayo.Waxaa loo baahan yahay dowlad iyo shacab in si fiican diyaar loo ahaado.

* Dowladu waa iney dhinacna xooga saarsaa dagaal dhinaca diblomaasiyada ah, dhinacna diyaargarow dagaal gacan ka hadal ah oo imaan kara.

* Waa in laga shaqeeyaa in ciidanka Kenya laga saaro dalka somalia. Waayo ma haboona iney sii joogaan.

* Waa in dowlada soomaaliya hubisaa yaa saaxiib u ah, yey kaalmo ka heli kartaa wadamada IGAD iyo kuwa kale ee geeska, yaase munaafaqnimo iyo ” double moral” nagu wada. Waa inaan si fiican u kala baranaa saaxiibka rasmigaa iyo kan kale.

* Waa in dowladu shir degdeg ah isugu yeertaa dhamaan dowlad gobolledyada si loo qaato mowqif isku mid ah looguna diyaar noqdo difaaca dalka iyo sharafta iyo karaamada soomaaliyeed. Tusaale ahaan in la bilaabo qoritaanka ciidan difaaca dalka oo dheeraad ah.

* Waa in shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba loo bilaabaa wacyigelin ku wajahan gardarada Kenya. Waa in la bayaamiyaa oo la iftiimiyaa in waxa la isku hayaa yahay wax weyn ayna dhici karto inuu ku dameeyo dagaal aan waxba la isula harin. Arrintaan ka yar ayaa wadamadu ku diriraan. Marka arrinku ma sahlana.

* Ganacsatada soomaaliyeed ee xoolaha ku leh Kenya iyo shacabka soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan ee aan Kenyanka ahayn waa iney u diyaargaroobaan sidii ay dalkaa uga bixi lahaayeen iyaga iyo hantidooda haddii xaalku xumaado. Waa iney ka fekeraan halka ay hantidooda geysan karaan. Shacabka ku dhaqan laga bilaabo xero qaxooti ilaa ilaa Nairobi waa iney diyaar noqdaan si dhowna xaalada ula socdaan.

* ” Doc ka yeer” waa in daanka la jebiyaa oo runta loo sheegaa. Shakhsiyaad, dowlad gobolleed ku sugan dhulka jamhuuriyada somalia ee taageero u muujiyaa cadowga nagu soo duulay waa in tallaabi cad laga qaadaa, mid cod iyo dugniin iyo milateriba. No doc ka yeer iyo keenyaan saaxiib iyo walaalo nahay iwm.

* Waa in lagu dhawaaqaa nabad iyo heshiis loogu baaqo Al-shabaab.si dalka aan u wada difaacano. Aduunka dhib badan baa ka dhaca waana la heshiiyaa. Haddii Roobow iyo Xasan daahir iyo kuwo kale oo badanba lala heshiiyey maxaa diidaaya in heshiis guud lagu baaqo dhamaan xarakada alshabaab haddii ay suurtagal tahay.

* In dhamaan waxii doorashooyin iwm dib loodhigo ilaa arrinka baddu meel ku cadaato.

* In baaritaan balaadhan la sameeyo iyadoo wadamada aan saaxibka nahay lala kaashanaayo si maxkamad loo soo taago siyaasiyiintii soomaaliyeed ew bixiyey ama sahlay in badda soomaaliya lagu soo xad gudbo.

* In dowlada soomaaliya raadiso xulufo iyo saaxiibo kale oo taageeri kara haddii khilaafku sii xumaado.

* Ugu damayn shacabka soomaaliyeed ha diyaargaroobaan. No Idle talks. Arrin adag oo laga yaabo iney dagaal ku damayso baa meesha taal

xusuusin: Qoraalkan oo intaan ka dheer iyo tallooyin kale oo badan waa gaarsiiney qaar ka mid ah madaxda dowlada federaalka soomaaliyeed!
Guul guul Guul dhamaan umaadda soomaaliyeed!

Qalinkii Abdurasak Hussein