Arsenal oo u soo Baxday Wareega 16-ka Kooxood ee Europa League Iyo Kooxaha Kale ee u soo gudbay Wareegan 16-ka.

Arsenal ayaa u soo baxday wareega 16-ka kooxood ee UEFA Europa League kadib markii ay 3-0 ku dubteen kooxda BATE. Kooxda Unai Emery ayaa ka soo kabsatay guuldaradii kulankii lugtii hore ee ay BATE guusha ku gaadhay 1-0 ka waxayna Gunnars ku soo baxday wadarta labada kulan oo 3-1 ah.

Arsenal ayaa xili hore oo kulankan ahaa waxay heshay goolka furitaanka ee ay ku barbaraysay natiijada kulankii lugtii hore waxaana daqiiqadii 4 aad goolkan iska dhaliyay xidiga kooxda BATE ee Z. Volkov kadib markii uu Aubamayeng kubbada soo koroosay.

Goolkan ayaa kalsooni wayn iyo farxad u abuuray Arsenal waxayna isla bilawgii ciyaartaba ka dhigeen barbaro ee wadarta labada kulan laakiin Arsenal ayaa daqiiqadii 39 aad heshay goolkeeda labaad waxaana u saxiixay difaaca dhexe ee Mustafi.

Arsenal ayaa qaybtii hore ee ciyaarta 2-0 hogaanka ciyaarta ku haysay balse waxay wali ka shaki qabeen in kooxda martida ahayd ee BATE ay keensato goolka barbaraha taas oo Gunnars shaqo badan oo kale u diri kartay.

Laakiin difaaca Sokratis Papastathopoulos ayaa Arsenal si rasmi ah guusha ugu xaqiijiyay kadib markii uu goolka saddexaad dhaliyay daqiiqadii 60 aad ee qaybtii labaad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Arsenal ugu quus goysay kooxda BATE.

Arsenal ayaa ka mid noqotay kooxaha u soo gudbay wareega 16ka kooxood ee UEFA Europa League iyada oo saacadaha soo socda ay dhamaystirmi doonaan dhamaan 16ka kooxood ee barri oo jimce ah isku aadka loo samayn doonaa.

Halkan kaga bogo Natiijooyinkii Kulamadii Ilaa Hadda Caawa La Soo Ciyaaray Ee UEFA Europa League

Dhanka kale halkan kaga bogo Kooxaha U Soo Gudbay Wareega 16ka Kooxood Ee Europa League:

1- Sevilla

2- Arsenal

3- Zenit

4- Valencia

5- Franfurt

6- Napoli

7-Salzburg

8-Dinamo Zagreb

9- Villarreal