HORDHAC : Chelsea vs Malmoe xogta kulanka oo dhameestiran iyo xaqiiqooyinkiisa .

Chelsea oo guul daro xanuun badan dhabarka ku sidata ayey soo dhaween doonta kooxda Malmoe kulanka lugta labaad ee warerga 32-da ee tartanka Europe League.

Hogaamiyaha kooxda Bules ayaa la kulmi doona cadiidis xoogan hadii kulankan laga adkaado kooxdiisa waxaan mugdi sii gali doono musatabalkii garoonka Stamford Bridge.

Wararka labada koox:

Chelsea ayaa soo ciyaartay isniintii sidoo kale waxa ay ay labalan santahay kooxda Ma city finalka tartanka Carabao Cup oo asbuuca soo socda dhici doona.

Maurizio Sarri ayaa ku qasbanan doona in is badal ku sameeyo safkiisa .da’yarka lagubmagacaabo Callum Hudson-Odoi oo dhaawac ka soo laabtay ayaa ciyaari kara kulankan.

Olivier Giroud ayaa hogaamin doona weerarka kooxdiisa halka kabtan Gary Cahill uusan qeeb ka aheyn xidigaha ka soo muuqan doono garoonka Stamford Bridge.

Malmoe dhankooda ma jiraan wax cusub oo sameen ku leh dhankooda waxaana la filayaa in markale ay soo laabtaan safkii kulankii hore lowga adkaday 2-1.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Chelsea vs Malmoe ( Europe League )

Goobta :Stamford Bridge

Goorta : 11:00 oo habeenimo

Garsoorka:Orel Grinfeld

Xaqiiqooyinka ciyaarta Hal iyo Labo .

Chelsea ayaa guuleysatay lixdii kula ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaarto garoonkeeda iyaga oona dhalinayey ugu yaraan sedex gool shan kamida kulamdaas isku dar waa 17-gool.

Kooxaha reer Sweden ayaa kaliya hal mar ka adkaaday 7-dii kulan ee ugu dambeyey ee tartamada Europe oo ay soo booqdeen kooxaha England,kooxda ösetersunds ayaa ah kooxda ka adkaatay Arsenal sandkii hore.

Kooxaha hadda ka qeeb galaya tartanak heerkiisa 32-koox , kooxda Malmoe ayey u ciyaraan safka ugu duqsan ee tartanka ka qeebgalaya qiimeen la sameeyana ciyartoydooda wa kuwa ubadan da’da 29-jir.

Eeg shaxda Macquulka :