Mareykanka oo Boqortooyada Sacuudiga ka dhisaysa warshad quwadda korontada ka dhalisa Nukliyer.

Muqdisho:-Dawladda Maraykanka ayaa la sheegayaa inay ku degdegaysa inay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagto Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka wakiillada.

Gudiga aqalka uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baaritaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer.

Xubnahan sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada.

Dhanka kale Shirkado lala xiriiriyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.