Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo kulankii ugu horeeyay maanta ku yeelanaya Addis Ababa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay halkaasi kulan ku yeeshaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Madaxweynaha dowladdafederaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa saakay waxa uu ka soo kictimayaa dalka Jabuuti oo uu gaaray gelinkii dambe ee shalay isagoona ku sii jeeda dalka Itoobiya magaaladiisa Addis Ababa.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay waxa uu ka dhoofayaa magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si uu ula kulmo dhigiisa Soomaaliya, iyadoo goobta uu kulanka ka dhacayo ay ka socoto qabanqaabo xoogan.

Kulanka labada madaxweyne waxaa isku soo duway ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay isku dayaya in labada madaxweyne ay is faham ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya.