Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu Hogaaminaayay oo dalka dib ugu Soo laabtay

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Booqasho shaqo ku soo kala bixiyey Wadamada Burundi iyo Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa caasimada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.