Dowladda Soomaaliya oo hab-raac u sameysay heshiisyada caalamiga ah (Akhriso)

Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha XFS ayaa maanta xeer ka soo saaray dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada ay gasho dowladda Soomaaliya.

Xeerkan ayaa waxaa looga reebay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda in heshiisyo toos ah ama kuwa dadban ay la galaaan shirkado ama dalal shisheeye, iyadoo aan la raacin tallaabooyinka ku cad farqada labaad ee qodobka.

Sidoo kale xeerka ayaa dhigaya in Heshiisyada la galayo la horgeeyo golaha wasiirada Soomaaliya, kadib marka la soo marsiiyo wasaaradda arrimaha dibadda, gaar ahaan waaxdeeda sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah iyo Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.