Burundi oo dalbatay hal Arrin si ay Ciidamadeed ugala baxdo Soomaaliya

Dowlada Burundi ayaa dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka Ciidamada Burundi oo ka mid ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya looga soorayo Dalka.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Brundi ayaa ku baaqay Kulan deg-deg ah oo looga arrinsanayo ka bixitaanka Ciidanka Burundi ee Howlgalka ku jira ka hor dhamaaadka Bishaan.

Midowgaa Africa ayaa si tartiib-tartiib ah waxaa uu u yareeynayaa Ciidanka ka jooga Soomaalia waxaana qorshuhu yahay in dhamaadka Bishaan dalka ay ka baxaan 1000 Askari oo kasocda Brundi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo Booqasho ku tagay Bujumbura ayaa la kulmay dhigiisa Brundi Pierre Nkurinziza  waxayna muujiyeen Walaaca ay ka qabaan in saameeyn aan wanaaagsaneeyn ay ka dhalato Ciidanka AMISOM ee ka baxaya Shabeelaha dhexe.

“waxaan ku baaqeeynaa kulan deg-deg ah in ay yeeshaa wadamadda Ciidankoodu ka mid yahay AMISOM si dib loogu eego go’aanka” ayuu yiri Pierre Nkurunziza.

Wargeeyska the Sun daily oo soo xiganaya ilo-wareed uusan magaciisa daabicin in Ciidanka Brundi ay Soomaaliya ka baxayaan inta u dhexeeysa 21 iyo 26 ka Bishaan February.

Dowladda Burundi ayaa si cad u diidan in keeda Soomaaliya laga soo saaro waxaana ay ku doodeeysaa in Dalalka AMISOM ka mid ay u sinaadaan Ciidanka la saarayo.