Awaamiir culus oo lagu soo rogay shacabka Boosaaso

Guddoomiyaha degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa shacabka degmadaasi uga digay isticmaalka bacaha lagu adeegto iyo kuwa madow ee lagu dhajiyo Baabuurta.

Guddoomiyaha ayaa amray shacabku in ay u hoggaansamaan awaamiirtaasi oo lagu xoojinayo sugida amniga.

Dhanka kale Ciidamo aad u hubaysan ayaa xalay goor saq dhexe ah lagu arkayay iyagoo roonda ka sameynaya xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.