Marwada Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo Jigjiga ka dhagax dhigtay Dugsi Sare

Waxaa maanta caasimadda DDS ee Jigjiga booqasho ku timid  Zinash Tayajaw oo ah xaaska Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiyi Axmed.

Zinash Tayajaw ayaa markii ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed.
Haddaba intaa kaddib ayaa xaaska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxay dhagax dhigtay Dugsi sare oo dhawaan Jigjiga laga dhisayo looguna magac daray “Camaje Yogol”. oo ahaa abwaan Soomaaliyeed oo degaanka u dhashay.
Xaaska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale soo booqatay goobta ay kasocoto bandhiga carwada loogu talagalay xuska magaalooyinka oo maraya maalintiisii 3aad.
Dadka degaanka u dhashay ayaa guul ku tilmaamay arrintan maanta lagu dhagax dhigayo dugsigan, waxayna noqonaysaa tallaabo wanaagsan oo dhanka waxbarashada loo qaaday, iyadoo dawladda fadaraalka Itoobiya ay soo jiidatay qaabkii uu degaanka Soomaalidu isugu hawlay sidii degaanka looga hirgalin lahaa isbadal dhinac kasta ah, waana mida keentay in lagu qabto xuska magaalooyinka dalka.