Cabdiraxmaan Cabdishakur oo taageero naadir ah u muujiyay dowladda Soomaaliya

War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadjir ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay ka qaaday xiisadda diblumaasiyadeed ee soo kala dhexgashay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xisbiga waxaa uu sheegay inuu ka shaqeynayo ilaalinta madaxbanaanida iyo xudduudaha dhulka ee dalka.

“Xisbigu wuxuu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ilaalinta wadajirka, midnimada xuduudaha dhulka iyo madaxbanaanida qaranka Soomaaliya. Wuxuu xisbigu taageersan yahay xaqnimada dacwadda ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caddaaladda adduunka” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Waa arrin naadir ah in la arko guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo garab taagan mowqif ay dowladda qaadatay.

Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa aad ugu booriyay meesha uu ka istaagay qadiyadda Soomaaliya iyo Kenya. Xigasho BBC