Siyaasi Kenyaan ah oo war lama filaan ah ka soo saaray khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya

Siyaasi Kenyan ah oo dalbaday in xaaladda khilaafka Kenya & Somalia la soo dhexgalo

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ANC ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi oo maanta ka hadlayey kulanka Axadda ee Kaniisadda Langa’ata, Nairobi ayaa ka hadlay khilaafka taagan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mudavadi oo horey u soo noqday Madaxweyne ku Xigeen iyo Ra’isul wasaare ku Xigeen, kana soo jeeda Galbeedka Kenya, ayaa soo jeediyay in bulshada caalamka soo dhex gasho khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

“Ma dooneyno inay xaaladda gobolkan faraha ka sii baxdo. Kenya horey ayay ula dhibtootay degganaansho la’aanta ka jirta waddanka deriskeenna ah. Culeys badan ayaanu dusha u ridanay. Dadkeenna ayaa ku dhintay weerarada argagixisada,” ayuu yiri.

MAXKAMADDA CAALAMIGA

Wuxuu sheegay in labada dal, ay horey u raadsadeen dhex-dhexaadinta beesha caalamka, markii ay u gar dhigteen Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Wuxuu ku taliyay in beesha caalamka aysan indhaha ka qarsan xaaladda ka dhex jirta Kenya iyo Soomaaliya.

Wuxuu intaa raaciyay in Soomaaliya iyo Kenya aaney dhex oolin xaalad qurux badan taariikh ahaan, wuxuuna xusay in arrinta soohdinta ay saameysay gobollada Waqooyiga Bari ee Kenya .