Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari oo maanta riday xukuno dil ah

Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa maanta xukun Dil toogasho ah ku riday dhalinyaro ay sheegtay in ay ka dambeeyeen dil dhawaan magaalada Boosaaso loogu geystay ganacsade Salaad Cabdi Diiriye Cukaash.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan ragan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay kadib cadeymo iyo markhaariyaal la horkeenay maxkamada.

Dhalinyarada ay maanta maxkamada xukuntay ayaa ay maxkamadu sheegtay in 11-kii bishan ay gudaha Boosaaso dil ugu geysteen ganacsade Salaad cabdi Cukaash xili uu kasoo baxay salada cisne masjid ku yaala xaafada Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn maxkamada ayaa sheegtay In ciddii aan ku qanacsanayn xukun dhalinyaradan ay u furantahay Racfaan dhan 30 maalmood.

Magacyada dhalinyaradan ay maxkamadu xukuntay ayaa kala ah Daahir Dalmar Saalax, Farxaan siciid Yusuf, Cabdiftaax Axmed Xasan, Maxamed cabdiraxman Maxamuud.