Maxay wajaheysaa gabadha Soomaaliyeed ee gilgishay Washington?

“Caawa waxaan hortiinna taaganahay anigoo ah xildhibaanadda la doortay ee aqalka Koongareeska, iyadoo dad fara badan oo cusubna ay magaceyga ku daba qoran yihiin”, oraahdaas waxay ka mid ahayd hadalladii ay tiri habeenkii lagu dhawaaqay iney ku guuleysatay doorashada.

Taageerayaal badan oo la dhacsan fikirkeeda ayaa sacab aan kala joogsi lahayn kusoo dhaweeyay markii ay hanatay kursiga 5-aad ee gobolka Minnesota u matalaya aqalka wakiillada, bishii Nofembar ee sannadkii 2018-kii.

Haweeneydan 37 sano jirka ah oo waliba ah hooyo dhashay saddex carruur ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah, kuna dhashay qaaradda Afrika oo loo doorto Koongareeska.

Waxay sidoo kale taariikhda ku gashay iney noqotay gabadhii 2-aad ee Muslim ah, oo abid ku biirtay xildhibaannada golaha wakiillada Mareykanka.

Xigasho: BBC