Laba Hoggaamiye Culculus oo Maantay Shir Albaabadu u Xiran yihiin Nairobi ku yeeshay

Waxaa Maantay Kulan Muhiim ku yeeshay Magaalada Nairobi ee Waddanka Kenya Hoggaamiyaha Miisaanka Culus ee Xizbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Dr. Cabdiraxman Cabdishukuur Warsame iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Fulinta Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Alxaaji Cabdi Xaji Cali Fiidoow.

Kulankaan oo ahaa Qado Sharaf uu Hoggaamiyaha Xizbiga Wadajir Mudane Cabdushukuur ku Casuumay Guddoomiye Fiidoow , ayaa markuu soo dhammaaday ayaa waxaa Somaliwayn.org Wareysatay Guddoomiy Xaaji Cabdi X. Cali Fiidoow.

Xaajiga oo marka hore ka mahad celeliyey Casuumadda uu u sameeyey Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishukuur ayaa misna ku ammaanay hab dhaqankiisa muddadii aay wada hadlayeen , kana wada hadleen Xaaladaha Waddanka Dhanka Ammaanka iyo Siyaasadda , isgoo warkiisa ku soo koobay in aay isku af garteen wax walba oo aay ka wada hadleen.