Kulan deg deg ah oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Xarunta Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya waxaa haatan ka socda kulan deg deg ah oo looga hadlayo xiisada siyaasadeed ee soo kala dhex gashay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa waxaa Warar aan heleyno ay sheegeen inay ka qeyb galayaan la-taliyeyaasha Madaxweynaha,Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,Safarkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya Amb. Tarsan oo Maanta soo gaaray Magalada Muqdisho.

Kulankaan deg dega ah ayaa daba socda Go’aanka dowladda Kenya ay xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay Soomaaliya,iyada oo safiirkii Soomaaliya Kenya u fadhiyay soo ceyrisay,sidoo kalena u yeertay Safiirkeeda u jooga Soomaaliya.

Warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya saacadaha soo socda ay go’aan ka qaadan doonto xiisad soo cusboonaatay ee kala dhaxeysa Kenya.

In kastoo Dowladda Soomaaliya Go’aanka ay qaadan doonto aan weli la ogeyn ayaa hadana dadka Soomaaliyeed waxa ay si kululuga falcelinayaan Go’aanka cusub ay xalay ku dhawaaqday Dowladda Kenya.