Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo Digniin adag u dirtay dadka baraha bulshada soo dhiga wararka ka dhanka ah Maxkamadaha

Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16/2/2019 ciddi ka dacwoota baraha bulshada soona dhigta kiis ka socda  Maxkamadda in lagu soo oogi doono ciqaab adag iayada oo baaris ay ku sameynayaan hay’adaha dembi barista kadibna go’aan cadaalad ah laga gaari doono wararkii ka dhanka ahaa ee uu ku faafiyay baraha bulshada.

Digniinta ka soobaxday Maxkamadda Racfaanka gobalka Banaadir ayaa ku soo aadeysa iyada oo dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa boggooda u adeegsada qormooyin Siyaasi ah iyo Muuqaalo mararka qaar ay kaga hadlaan garsoorka dalka.