DEGDEG: Kenya oo la baxday Safiirkii u joogay Soomaaliya iyo kan Soomaaliyba oo 24 saac loo qabtay

Dowladda Kenya ayaa la baxday Safiirkii u joogay Soomaaliya waxa ayna 24 saac u qabatay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Lama oga waxa sababay arintaan iyo go’aanka deg dega ah ee dowladda Kenya, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay Salka ku heyso aringa Badda.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ilaa iyo iminka wax hadal ah kama soo saarin go’aanka cusub ee Kenya qaadatay kaasi oo ku soo beegmay xilli dhowaan Ra’iisal Kheyre dhowaan booqday dalkaasi.