Bulshada Muqdisho oo ah Canshuur bixiyaal aan helin adeegyada dowladda

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa si joogto ah u bixiya Canshuurta Dowladda, taasi bedelkeedana aysan helin adeegyadii aas-aasiga ahaa ee looga baahnaa in laga helo Dowlad Bulshadeeda ka qaada Canshuurta.

Muwaadin kasta oo Somali ah oo bixiya Canshuurta Dowladda, ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo amni buuxa oo ku aadan ganacsigiisa & naftiisa, helida adeeg Waxbarasho oo lacag la’aan, helida adeeg caafimaad oo bilaash ah, wadooyin dhisan oo nadiif ah, cabista biyo nadiif ah & adeegyo kale oo badan oo dowladda looga fadhiyo, balse dadka reer Muqdisho ayaananba helin intaasi.

Ganacsatada & dhalinyarada Mootooyinka wata ayaa waxa ay ku dhiban yihiin hubka ay wataan askarta dowladda ee lagu iibiyo canshuurta shacabka laga qaado, balse askarta oo aanan sidaasi u dareensaneyn hubka ay wataan in lagu iibiyay Canshuurta shacabka ayaa dilal bareer u gaysta dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku shaqeysa & ganacsatada kale.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya Cabdi raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo aanan bixin Canshuurta dalka oo ay ugu horeeyaan Shirkado waaweyn oo gudaha dalka ku yaallo,kuwaasi oo Wasiirka uu ka gaabsaday inuu sheego magacyadooda.