Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya “Soomaaliya kama jiro Wax musuq maasuq ah..”.

Muqdisho:- C/Raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo ku timid hagaajinta maamulka Maaliyadda Dalka.

Warbixin dhawaan la soo saaray oo la xiriirtay in Soomaaliya ay tahay Dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka ayuu soo hadal qaaday Wasiirku, wuxuuna ku tilmaamay mr. Beyle aragti khaldan oo laga bad badiyay.

“Musuq maasuqa xagga hoose ayaan ku jirnaa Soomaalidu waxay tiraahda : Been fakatay run ma gaarto” waa aragti qaadasha,waan ku daba jirnaa, laakiin waxaan doonaynaa in Dadka Adduunyada inaan u sheegno inaanan sidii hore ahayn ee ay wax waliba isbeddaleen” ayuu yir wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyaddu sameysay website lagala socda oo laga heli karo xogta maaliyadeed ee Soomaaliya mar walba lagu daabaco warbixinnada ugu dambeeya.

“Waxyaabaha la ina siinayay halka hoose waa inaanay naga soo bixi jirin warbixinnada loo baahnaa markaas baa la oranayay halkii hore siiya, taasina waa arrin aan ka dagaallamayno iminka” ayuu yirri wasiirka Maaliyadda.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay wada hadallada deyn cafinta Caalamiga ah oo ay ku xirnaayeen shuruudo ay ka mid yihiin hagaajinta maamulka maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa wada hadaladaas oo la soo gabagabaeynayo wajigooda Saddexaad (SMP3) Bisha Afaraad ee Sanadkan.