Wasiir Ka Tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Iscasilay

Xildhibaan C/salaam C/laahi Yalaxow (Catoosh), oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay Xilka wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo Cirka ee maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in uusan ku qancin xilka loo mgacaaabay,islamarkaana xadgudub uu ku yahay saami qeybiga beelaha Deeganadda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulamo arintaan ku aadan uu la qaadan doono Nabadoonadda iyo Ugaasyadda Beelaha Deeganadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa shalay soo dhameystiray Golihiisa Wasiiradda,waxayna haatan noqdeen 25-wasiir iyo 25-wasiir Ku-xigeen.