Fannaan Itoobiyaan ah oo u dhintay arrin la yaab leh

Sida BBC sheegtay waxaa geeriyooday Dadhi Gelan oo ahaa fanaan Oromo ah oo qeyb weyn ka qaatay kacdoonkii Oromada isaga oo qaadi jiray heeso dhanka siyaasada ah.

Fanaankan ayaa waxaa haleeshay xabad wiifto ah isaga oo ka heesayay xaflad xariga looga jarayay hudheel laga furay magaalo
Ku taala gobalka Oromada.

Dad goob jooga yaal ah ayaa sheegay in dadku ay rasaas cirka u ridayeen qaab dabaal deg ah balse mid ka mid ah rasaastu ayaa ku dhacday wuxuuna ku naf baxay goobta.