Dhacdo xanuun badan oo loo geystay haween ku ganacsanayay Afgooye

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in suuqa ugu weyn ee ganacsiga ay ka dhacday arrin ugub ah oo nooceeda horay loo arag.

Maalintii Arbacada ee aynu soo dhaafnay ku dhowaad 40 haween oo ka tirsan ganacsatada yaryar ayaa laga urursaday lacag ku dhow 3-kun Dollarka Mareykanka ah kaddib markii loo caga jugleeyay.

Falkaan ayaa sida ay sheegeen haweenkaasi waxaa ka dambeeyay saddex nin oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo haweenka ugu habjabay inay dilayaan haweentii aan bixin lacagta ay ka dalbadeen.

Haweeney ka mid ah kuwa bixiyay lacagta baada ah oo ka gaabsatay magaceeda ayaa shabakadda Somaliweyn u sheegtay in kooxdani u sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Daacish isla markaana howlgalkooda yahay mid dhaqaale taakuleyn ah loogu ururinayo kooxda.

Ragaan ayaa sidoo kale haweenka ganacsatada degmada Afgooye ku amray in bil kasta ay ka doonayaan lacagta lagu qoray, mana jirto waraaq caddeyneysa bixinta canshuurta ururka Daacish oo ragaasi u jarayaan qofkii lacagta bixiyay.

Lacagaha lagu amray haweenkaasi ayaa u dhaxeysay 20 ilaa 10 Dollar, iyadoo haweenka qaarkood ay bixiyeen lacag Shilin Somali ah muddo 5 bilood ah kaddib markii raggaasi diideen lacagaha taleefanka lagu diro ee EVC pulse-ka loo yaqaano.

Kooxdaan hubeysan ee dhaca u geystay haweenka ganacsatada yaryar ee degmada Afgooye oo gudaha suuqaasi ku sugnaa muddo saddex saac ah ayaa markii isaga tageen halkaasi waxaa mar kaliya is qabsaday buuq iyo sawaxan haweenkaasi ka muujiyeen dhacdada xanuunka badan ee loo geystay.

Maamulka K/galbeed ee ka taliya degmada Afgooye oo aan wax awood ah ku laheyn degmadaasi iyo degaanada ku xeeran ayaa haweenkaasi u ballanqaaday inay gacanta ku soo dhigayaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay.