Xildh. Mahad Salaad: “Md. Wasiir umadaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yarey”

Xildhibaan Mahad Salad oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka federaalka ugu cadcad ee mucaaradka xukuumada iyo madaxweyne Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay war maanta ka soo baxay wasiirka maaliyada Dowladda Federaalka C/raxmaan Beyle uu ku sheegayo inay jiraan ganacsato aan bixin canshuurta.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo aan sidiisa idinkugu soo gudbinay waxa uu u qornaa sidan:-

Wasiir Beyle waxaan waydiin lahaa canshuurta uu sheegayo soo sharci lagu qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?!

Sida ku cad Xeerka Qoondada Miisaaniyada 2019 Golaha Shacabku ansixiyay qodobkiisa 3.9 Wasaarada Maaliyada waxaa lagu faray in ay soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Canshuuraha iyo Tacriifooyinka ugu danbeyn 15ka Maarso 2019.

Sidoo kale Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka 3dii February 2019 waraaq ayuu u diray Wasiirka Maaliyada lagu farayo in uu kusoo gudbiyo Hindise Sharciyeedkaas xiliga Golaha Shacabku u qabtay oo ah 15ka Maarso 2019.

Hada waxaa iswaydiin mudan Wasiirka isaga ayaaba laga sugayaa sharcigii canshuuraha iyo tacriifooyinka lagu qaadi lahaa ee dadka uu u goodinayo soo in sharci wax looga qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?!

Mudane Wasiir ilaahey ka baq oo umaddaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yareey. Kolley kamaba dhaafayside!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad