William Ruto oo sheegay in kenya ay ka Shaqeyneyso Nabada Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo Wareeysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’antahay in ay taageerto Soomaaliya islamarkaan ay la shageeyso dalalka kale illaa iyo dalku uu ka noqonayo Nabad.

“waxaan nahay saxiibo masuul ah oo la shaqeeya AMISOM , waxaan la shaqayn karnaa dalalka kale iyo QM si aan u xaqiijino amniga Soomaaliya” ayuu yiri William Ruto.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay dan ka leedahay Soomaaliya maadaama ay labada dal deris yihiin. “Halis ayey noqon doontaa in soomaaliya laga tago” ayuu yiri Ruto.

Dowladda Kenya waxaa samyn xun ku reebay Dagaalka Daba dheeraaday ee Soomaaliya. Al-shabaab ayaana ka geeystay Weerarro khasaare geeysta.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horay u sheegay in Kenya aysan Nabad noqon Karin intaa inta ay Soomaaliya Nabad ka noqoneeyso, taasi oo lagama maarmaan ka dhigeeysa in Kenya ay Soomaaaliya kala shaqayso amniga.

Labadda Dal oo dad iyo xuduud Wadaaga ayaa amnigoodu waxaa uu noqday isasuran aan kala maarmin.