Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu eedeeyay in Xildhibaanadii ugu badnaa ee baarlamaanka Maamulka uu wasiiro ka dhigay.
Xildhibaan C/rashiid oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Hir-shabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu wasiiro ka dhigay 50-Xildhibaan.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanadda Baarlamaanka Hir-shabeelle Tiradooda ay tahay 99 xildhibaan, islamarkaana tiradda wasiiradda laga dhigay ay badan tahay,taasina ay meesha ka saarayso in lala xisaabtamo Xukuumadda Hir-shabeelle.
Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle ayuu ugu baaqay in uu wax ka badalo habka magacaabista Wasiiradda Maamulka Hir-shabeelle