Hambalyo & Digniin Ciidanka Badda!!!.

Hambalyo.

Waxaan hambalyo u dirayaa XDS-Ciidanka Badda, Sannad guuraagii 54aad ee Asaaskii Ciidanka ee 10/2/1965.waxaan salaamyaa, Saraakiisha, Saraakiisha xigeen, Layli sarkaal, Alifley, Dabley & Xaasaskooda. Ciidankaa oo inta badan Taliyayaashoodii aan is naqiin, xeryahooda caasimada iyo gobaladana qaarna aan Ku hoyday habeeno badan.(F.S: 1 & 2aad)

DIGNIIN:

Ethiopia markii ugu horeeysay ayey yeelatay wasiir gaashaandhig, waxaa la dhihi jiray wasiirka dagaalka (Minister of war) 1907 ayaa Menelik II u magacaabay , Fitawarari Habte Giyorges. Kadibna Xeyle Salaase ayaa 1942 u magacaabay Ras Abebe Arega,Wasiirka Dagaalka.

Kadibna Dastuurka cusub ee Ethiopia ee 28/8/1995tii, ayaa ogolaaday in qof Shibil ah loo magacaabi Karo, fiiri Qodobka Art: 87aad ee Dastuurka Ethiopia.

Taa oo dhalisay in 16/10/2018 wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia loo magacaabo Gabadha la yiraa: Caasho Maxamed Muuse.( F.S:3aad), oo ah qof Daacad u ah dalkeeda Ethiopia.

Waqti yar kadib markii Abiy Axmed oo tagay Farance Lana Soo saxiixday heshiis lagu dhisayo Ciidanka Badda ethiopia, Ayaa Caasho iyo wafdigeedu tageen Farnce- Paris Laba usbuuc kadib. bishan February 2019 Caasho iyo wafdigeedu waxa ey imaanayaan Kenya, waxa eyna Ka wada hadli doonaan xoojinta Ciidanka Badda ee Labada Dal, kadibna waxaa la filayaa in ey sii aado Dalka Japan si loo horuumariyo Ciidanka Badda ee Ethiopia.

 

Waxa ey Rabaan, bacdamaa eyna Xeeb leheeyn in Saldhigyo laga siiyo Somalia- Xeryahiinii hore.

Ma ogi in laga ogilaan doono iyo in kale. Balse Dadaal ayaa la rabaa, Garabkiina ALLA ha galo, dadaala Hana quusanina.Nin lagu seexdoow ha seexan.

( Ma hubo tan, waxaa la hadal hayaa in ey raadineyso heshiis ey la gasho Shirkado Shidaal si ciidankeedu u ilaaliyaan Nabadgalyada Ceelasha Badda)

Waxaan ALLA idiinkaga baryayaa, Guul iyo Horuumar, Aamiin, Aamiin.

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, Hablayo iyo xogta dhabta ah in la wadaagana ma xumo, wixii Ka khaldan Ka sax.

Qore: Yahya Amir.