Xaaladda deg. Afgooye oo kacsan

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya inay halkaasi ka jirto cabsi xoogan, kaddib markii la arkay diyaarado joog hoose ku socda.

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Alshabaab oo ku sugan degaano ku dhow degmada Afgooye ayaa bilaabay inay halkaasi isaga Cararaan isla markaana qaarkood si dhuumaaleysi ah ku galay degmada gudaha Afgooye.

Dadka degan magaalada Afgooye ayaa iyagu cabsi ka muujiyay diyaaradaha jooga hoose ku socda ee gaaf wareegaya degaanadooda, iyagoona welwel ka muujiyay in halkaasi ay ka dhacaan duqeymo lala beegsado saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin tuulooyin hoos taga degmadaasi Afgooye.

Dhinaca kale ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koofur galbeed ayaa la geliyay heegankii ugu sareeyay, lamana sida xaaladu noqoneyso saacadaha soo socda, inkasta oo xaalada ay u muuqato mid kacsan lagana cabsi qabo inay dhacaan dagaalo dhex mara ciidamada huwanta iyo xoogagga Alshabaab, hase yeeshee wixii soo kordha dib ayaan idinkugu soo gudbineynaa.