Ciidanka DFS Iyo Jubbaland Oo Weeraray Deegaan Al-shabaab Kaga Sugnaayeen J/hoos (Sawirro)

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Jubbaland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen deegaanka Kobon ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu taliyaha sheegay in ay ku qabsadeen hub badan, sidoo kalena ay fashiliyeen miinooyin dhulka ku aasnaa.

Al-shabaab dhankooda wax war ah lagama hayo oo ku aaddan dagaalkan, hase ahaatee ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe howlgallo ballaaran ka wadan deegaannada Jubbaland.