Xasan Sheekh oo weji gabax kala kulmay booqashadiisii Baladweyne

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weji gabax kala kulmay booqashadiisii magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu kula kulmau Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wararka ayaa sheegaya in Ugaaska iyo Xasan Sheekh ay ka wadahadleen sidii loo soo afjari lahaa khilaaf labadooda u dhaxeeyay tan iyo intii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku khilaafeen dhismaha maamulka Hirshabelle, mana  jirto wax hadal ah oo kulankooda ka soo baxay.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ka hadlayay booqashada Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa caro xoogan iyo cambaareyn u jeediyay, iyagoona si isku mid ah hoosta uga xariiqay inuu iibsaday gobolka Hiiraan isla markaa hoos geeyay gobolka Sh/dhexe.

Shacabka Baladweyne ayaa sheegay inaysan dooran doonin Xasan Sheekh iyo xubnaha ay isku xisbiga yihiin haddii mustaqbalka dalka ay timaado doorasho qof iyo cod ah.