Turkiga oo shiinaha ka dalbaday in uu xiro Xabsiyadda Muslimiintu ku jiraan.

Dowladda Turkiga ayaa shiinaha ugu baaqday in uu xiro xarumaha Muslimiinta lagu hayo ee Dalkaas ku yaala kadib markii uu soo baxay War sheegaya in uu dhintay Nin ka mid ahaa muslimiinta u xiran Shiinaha.

Cabdi Rixiin Xayiit ayaa waxaa uu qaadanayay Sideed Sano oo Xabsi ah ku qaadanayay Gobolka Shinjiyang, oo in ka badan Hal million oo Musliminta Ughur-ka ah ay ku xiranyihiin.

War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in jirdil uu ka jiro xarumaha Muslimiintu ku xiranyihiin ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa waxaa uu sheegay in Xarumaha Muslimiinta lagu hayo ay yihiin goobo loogu talo galay in Dad ka wax lagu baro, hase ahaatee aysan xabsi ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Dadka Muslimiinta ah ee ku xiran Shiinaha ay Hal Million ka badanyihiin islamarkaana ay la kulmaan Cadaasis joogto ah iyo jir dil.

Horay Xog haya guud ee QM ayaa waxaa uu shiinaha ka codsaday in uu xal u helo musiibadda Banii aadanimo ee dalkaas ka jirta.