Gaadiid Lagu Gubay Lafoole Iyo Raggii Saarnaa oo La Toogtay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa gaadiid dhuxul siday oo shalay galinkii dambe lagu gubay deegaanka Lafoole ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ragg hubeysnaa ayaa gaadiidkaan gubay,waxayna sidoo kale dileen 3-ruux oo la socotay.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka ay ka yimadeen dhanka Degmadda Walan-weyn,islamarkaana ay deegaanka Lafoole ku gubeen rag ka Tirsanaa Shabaab.

ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo loogu hadlaayo arintaan.