Tarsan ”Gacmahaan ka xiranahay see ula dagaalanaa argagixisi…

Gacmahaan ka xiranahay see ula dagaalanaa argagixusada. Waa waraysi uu bixiyay safiirka Somaliya u fadhiya Kiiniya Maxamed Tarsan oo sheegay in kuwa lagu sheego beesha caalamka ay xanibeen awoodii dawlada Somaliya amniga ku hanan lahayd.

Danjiraha ayaa sii raaciyay “Tusaale, Mareykanka oo haysta ciidanka ugu xooggan uguna qalabka fiican adduunka ayaa kula dagaallamaya Daalibaan dalka Afghanistaan 17 sano, laakin ma aysan ka guulaysan wali, ayagoo xittaa ka hub sarreeya, Marka sideed uga rajaynaysaan dowladda Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay in ay si xoog leh ula dagaasho argagixisada.

Waxay la mid tahay in ay gacmaha naga xireen, kaddibna -caalamku- noo sheegayo in aan la dagaallano Argagixisada.

“Soomaaliya waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee la dagaallamaya laba urur oo argagixiso caalamiya ah oo kujira xudduudaheena, beesha caalamkuna waxa ay wali nagu haysaa cunaqabatayn hub oo saaran dalkeenna, Hadda, waxaan wajahaynaa caqabad kale oo hub ayaa si sharci darro ah dalkeena uga soo galaya Yemen. Waa xuquuqda madax-bannaanideenna in aan difaacno nafteenna, laakin sideen ula dagaallamaynaa kooxahaas haddii aananhubeyn Karin ciidankeenna.