Mid ka mid ah Wasaaradaha DFS oo bilaabeysa qorshe ku saabsan baraha bulshada

Mid ka mid ah wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay bilaabeysa qorshe ku saabsan baraha bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay dood u qabaneyso kooxo ka socda qeybaha bulshada oo ay ugu badan yihiin dhallinyarada, kaasi oo lagu diyaarinayo sharci ku saabsan isticmaalka baraha bulshada.

Idaacadda taageerta Dowladda Soomaaliya ayaa dabayaaqada toddobaadkii hore waxay sheegtay in sharcigaasi la hor geynayo Golaha Wasiirada, kaddibna marka ansixiyaan la hor geynayo golaha Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa inay xakameyso isticmaalka baraha bulshada oo dhibaatooyin xoogan ku keenay warar been abuur ah oo laga baahinayo madaxda sare ee Dowladda iyo qeybaha kale ee xukuumadda Federaalka kaasi oo jaha wareeriyay howlihii Dowladda looga fadhiyay.