Daawo: Dhalintii xustay xasuuqii Boorama iyo Dila oo la xaray

Boqolaal dhalinyaro ah oo mudaharaad ka dhigay xalay Borama oo ka xanaaqsan dhalinyaro xustay Xasuuqii SNM ee Borama iyo Dila oo xabsiga 4 ka mida ladhigay.

Dhalinyaradani xanaaqsan oo suuqyada Borama iskugu soo baxay ayaa Booliisku rasaas ku kala caydhiyeen waxaana socda buuqa iyo sawaxanka kasoo yeedhaya dhalinyaradaasi ayaa laga maqlayaa meelo badan.

Booliiska Borama oo ka amar qaadanaya taliyahooga  ayaa rasaas ku caydhsaday dhalinyarada balse isla markiiba waxaa kusoo biiray shacab horleh waxayna ku dhawaaqayaan SNM hadhacdo.

Kacdoonka dhalinyarada Borama ayaa kusoo beegmayaa xili Muuse Biixi amar ku bixiyay in laqabto cidwalba kaqaybgalay xuskii xasuuqii SNM kagaysatay Galbeedka oo shalay Borama lagu qabtay si wayna usoo jiidatay indhaha Somalida iyo caalamkaba.

Xigasho: Boramanews

Posted by Hurfe Ghutaale on Wednesday, February 6, 2019