Xildhibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir “Waa Warbxin Been Abuur ah oo aan laga Aamusi Karin ”

“Ma dooneyn in aan u Jawaabo Canug yar oo Qalbiisu Maran yahan  Garaadkiisu dhameystirneyn isla markaana aan aqoon u lahayn Saxaafadda  balse  waxaan gartey in aan wax ka iraahdo waxa uu iga sheegey, marka Hore waa Qof an la socon waxa laga soo marey Dalkaan iyo sida maanta halkaan lagu soo gaarsiiyey  “ sidaa waxaa yiri Xildhibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir  oo ii waramey kana jawaabayey Warbixin uu ku tilmaamey mid  Been abuurka ahayd oo  Baraha Bulshada uu Dhigay Cabdirisaaq Tere  waxaa uu sii raaciyey.

“Warbixintaas waa mid saan tirasho ah  waxaa soo diyaariyey ragga maanta Villa Soomaaliya Fadhiya  oo lagu qarinayo Fashilka ku yimid Wax qabad la’aanta Mudadii labada Sano  ahayd ee ku timid Amaanka, la Dagaalkanka Alshabaab, Adeega Bulshada , Musuqa iyo Dib u heshiisiinta”.

“Waxaa Wanaagsan in aad Dib isugu laabataan oo Hoos isu Dhugataan oo aydaan ku Mashquulin Siyaasiyiinta idiin ka soo horjeeda sidoo kale aad sameysataan Lataliyayaal idiin soo sheega  Xaaladda Dalka hadba meesha ay marayo  oo ka duwan kuwa maanta idiin soo soo gudbiya Wararka Been abuurka ee lagu weerarayo Siyaasiyiinta Dalkaan wax u qabtey oo waqtiga adag Bulshadooda la soo qaybsadey ” ayuu yiri Xil Faarax Cabduqaadir  oo u soo jeediyey Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee la marin habeebiyey in Warbixbtaadii Salka lahayn ay tahay mid wax u dhibeysa Mustaqbalkaada.

Bal aan dib u qaaraasano Taariikhda Xildhibaan Faarax  Shiikh Cabduqaadir, waxaa uu ka mid yahay Ragii Buddhiga u ahaa waxabashada maanta Burburkii Dalka sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa Shaqsiyaadkii qaybta weyn ka qaatey u gargaarida Bulshada Soomaaliyeed Xli adag , waaana Shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee Qunyar Socodka  ee Degenaanta u saaxiibka ah sidaa darteed maanta ma mudna in la aflagaadeeyo oo la DHaleeceeyo  isku soo duuboo Suxufiyiinta waxaa looga baahan yahan Warar Xigasho badan oo isku Dheelitiran.