Wasiiradda Congo oo loo balanqaaday in ay Mushaarkooda heli doonaan inta ay nool yihiin.

Xukuumadda xilka sii banaynaysa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay difaacday go’aanka ay wasiirradii hore ugu ballan qaadday inay heli doonaan mushaarkoodii inta ay nool yihiin iyo weliba dhaqaale kale.

Go’aanka dhammaan wasiirraada bishii lagu siinayo in ka badan 2000, ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaarayaashii hore waxaa lagu sii doona kharash badan, waxaana go’aankaas ka dhashay dhaleecayn weeyn.

Inta badan dadka dalkaasi ayaa waxa ay la daalaa dhacayaan saboolnimo baahsan.

Qof la taliye u ah Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa kharashaadkaasi waxa uu ku qeexay mid aan badnayn oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in wasiirradu aanay ku soo dhicin faramarnaan markii ay xafiiska banneeyaan.