Shabaab oo hanjabaad u diray Ajaanibta Somaliya ku sugan

Afhayeenka Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere), ayaa farriin hanjabaad ah wuxuu u diray Ajaanib uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin gurashada Khayraadka kala duwan ee dalka uu leeyahay.

Cali Dheere ayaa sheegay dhamaan kaabayaasha Dhaqaalaha Somaliya inay la wareegeen dad ajaanib ah oo ay maamulayaan shacabka Somaliyedna ay ka baahan yihiin sida uu yiri.

Waxa uu tilmaamay ruux kasta oo Ajnabi ah kuna hawlan boobka Khayraadka Somaliya in Shabaab ay ka qaadayaan tallaabo adag, waxaana uu intaasi ku daray inay horay u soo saareen digniin ku aadan Boobka hantida Somaliyed.

“Digniintii aan horay u soo saarnay qaar ka mid ah Calooshood u shaqeystayaasha waa ay ka dhaga furaysteen, waxayna sii wateen Boobka Khayraadka Somaliya.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Shabaab ayaa uga digay Ajaanibta inaysan ku kadsoomin gurashada Khayraadka kala duwan ee dalka uu leeyahay, taasi bedelkaana ay isaga baxaan dalka oo ay u laabtaan dalalkooda.

Al Shabaab ayaa sheegay masuuliyadda dilkii shalay Magaalada Boosaaso loogu gaystay Agaasimihii Shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaraadka Carabta Paol Farmosa.