Howlgallo ka socda Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii amniga Magaalada Boosaaso uu faraha ka baxay, islamarkaana saacaddihii ugu dambeeyay ay ka dhaceern dilal loo geystay Shacab iyo Madaxii Shirkadda DP World ee Boosaaso.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

 

A general view shows activity at Somali’s northern port town of Bosasso, November 24, 2008. Somali pirates holding a Saudi supertanker after the largest hijacking in maritime history have reduced their ransom demand to $15 million, an Islamist leader and regional maritime group both said on Monday. REUTERS/Abdiqani Hassan (SOMALIA)